Baarlamaanka PL oo doortey gudoonka Hay'adda Xuquuqul Insaanka

Image

November 27, 2014 (GO)- Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow doortay guddoomiyaha Hay'adda Xuquuqul Insaanka Puntland.

Doorashada oo saddex murashax ku tartameen waxaa ku guuleystey Maxamed Yuusuf  cabdi oo helay codadka 31 kamid ah xildhibaannadii fadhiga maanta soo xaadiray.

Saddexda murashax ee tartamay ayaa kala ahaa: Maxamed Yuusuf  cabdi, Burhaan Aadan Cumar iyo Siciido Axmed Cali.

Siciido oo heshay shan cod waxay ku hartay wareegii koowaad, wareegga labaad waxaa ku tartamay Maxamed Yuusuf  cabdi iyo Burhaan Aadan Cumar 

Hay'addan oo ah mid cusub islamarkaana dowladda hoos tegi doonta waxaa shaqooyinkeeda ugu muhiimsan ka hortegista xadgudubyada lidka ku ah xuquuqul insaanka iyo u qareemista dadka xuquuqdooda la duudsiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM