Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash

Image
Kulanka Guddiga joogtada ah oo maanta ka qabsoomay Garowe ayaa lagu go'aamiyey in lasoo gole-joojiyo madaxweynaha.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa guddoomiyey shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo maanta ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta, ayey Mudanayaashu uga doodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda magaalada Laascaanood iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Golleyaasha deegaanka Puntland ee hal qof hal cod.

Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen:

1. In loo yeero Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada iyo Gudiyada kale ee Taakulaynta dadka ku waxyeeloobay xasuuqa maamulka Somaliland uu ka wado Laascaanood.

2. In loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka DPL, si wax looga weydiiyo qorshaha xukuumadda ee ku aaddan xaaladda Gobolka Sool.

3. In loo yeero Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland, si wax looga weydiiyo Barnaamijka diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Ugu dambeytii, guddiga joogtada ahi waxay isla qaateen in ay yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn inta laga dhammaystirayo qodobada kor ku xusan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM