Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo war ka soo saaray soo xulista 17-ka xildhibaan

Image
Go’aanka golahan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed ay Puntland ka taagan tahay.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo saaray bayaan, kaasoo ku saabsan go’aankii Isimmada maamulkaasi ee ahaa inaan laga qeyb galin doorashooyinka ka socota maamulka Puntland.

Golaha ayaa isla qaatay go’aamadan:

1- 17-ka Xildhibaan ee ka soo jeeday gobollada SSC-Khaatumo ayaa kana mid ahaa Baarlamaanka Puntland (2019-2023), ma heystaan sharciyad ay ku matali karaan dadka iyo gobollada maamulka SSC-Khaatumo, maadaama waqtigoodii dhamaad yahay, loomana cusboonaysiin karo.

2- Maadaama dadka SSC-Khaatumo ay dhisteen maamul u gaar ah, Cuqaasha iyo Isimmada SSC-Khaatumo shaqsiyaad xildhibaano ka noqda maamulka Puntland, ama maamul kale, waayo taasi waxay si cad uga horimaanee Axdiga lagu dhisay maamulka SSC-Khaatumo iyo rabitaanka dadka maamulkaasi.

3- Ma jirto cid sharciyad u haysata in ay si iskeed u qorato ama xildhibaano ka dhigto Shaqsiyaad ka soo jeeda SSC-Khaatumo.

Go’aanka golahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay ka bixitaanka SSC-Khaatumo ee hanaanka dowladnimo ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM