Banaanbax ka dhacey magaalo madaxda Puntland ee Garowe

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ayaa waxaa ka dhacey banaanbax maanta looga soo horjeedo sicir bararka ku yimid sarifka lacagta iyo maciishada iyadoo jidadka magalaada isugu soo baxeen dad careysan kuwasoo dhagxaan dhigey wadada weyn ee magalaada.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaan isu soo baxey jeexjexeen sawirka Madaxweynaha Puntland oo suraa wadooyinka iyadoo ciidamada booliisku isku dayeen iney dadkaaa kala eryaan.

Sawirada Madaxweyne Gaas ayaa darbiyada la surey sabadguuradii 19aad markii dhidibada loo taagey maamulka Puntland.

Banaabaxyadaan oo maalmihii lasoo dhaafey ka socdey magalaada Bossaso ayaa waxaa sababey in dadku ka cabanayaan sicir bararka ku yimid lacagta shilin Somaliga oo harqisey suuqyada Puntland.

Gen. Muxayadiin oo la hadlay dadka soo banaanbaxey ayaa ku guuleystey in kala kexeeyo isagoo khudbad kooban u jeediyey.

Dowlada Puntland oo muddo labo sano ah daabaceysey lacago shilin Somali ah ayaa wararku sheegayaan in lacago kale ka yimdaaen Koonfurta Somalia taasoo sababey in xukuumada diidey in dadku cashuurta ku bixiyo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM