​Banaanbax kale oo ka dhacay Garowe

Image

GAROWE- Waxaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, banaanbax looga soo horjeedo sicirka kor u kacay iyo jawaab la'aanta xukuumadda, waxaana haweenka ku ganacsada suuqa Injida ee gada hilibka iyo khudradda joojiyeen shaqo maalmeedkooda.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay xarunta Injida oo ah suuqa ugu weyn caasumadda, iyagoo sameeyay gadood kallifay in xarumahooda aysan furin saaka.

Waxay sheegeen inaan wali wax tallaabo ah xukuumaddu ka qaban cabashadooda islamarkaana sicirka maciishada iyo lacagaha qalaad kor u kaceen, waxayna dalbadeen in la sameeyo isbadal dag dag ah, hadii kale sii wadayaan dibad-baxyada.

Goobta waxaa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amniga gaar ahaan Boliiska iyagoo sugayay amniga, kadib markii dhalinyaro yar yar rabashado sameeyeen.

Maamulka gobolka Nugal ayaa lagu wadaa inay goor-dhow arrintaasi warbaahinta kala hadlaan.

Waa banaanbixii saddexaad ee looga soo horjeedo sicir bararka, waxaana labo kamid ah ka dhaceen magalada Garowe, halka kan kale Bosaso ka dhacay.

Majirto waxa tallaabo ah oo lamaha kala duwan ee dowladda Puntland qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM