Bandhig faneed lagu qabtay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

24 Octobar, 2015(GO)-Waxaa xalay magalada Garowe lagu qabtay bandhig faneed ay sameeyeen koox ka timi ismaamulka Somalida Ethopia oo lagu magacaabo Anshax Band.

Bandhigga oo lagu qabtay Madaxtooyadii hore ee Puntland oo haatan daganyihiin qaybo ka mid ah wasaaradda Puntland, ayaa waxaa ka soo qayb galay bulshada qaybeheeda kala duwan.

Xafladdii xalay ayaa ka duwanayd kuwa horay uga dhacay Garowe oo ugu dambaysay bandhig faneed uu sameeyay fanaanka Cali Dhaanto oo ay goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, balse tii xalay shacab kaliya ayaa ku sugnaa.

Kooxdan oo dhawr bari joogtay Puntland ayaa sidoo kale shalay ka qayb gashay xaflad lagu soo xirayay tababar u socday qaybo ka mid ah ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo ku jiray xerada Abqaale ee gobolka Mudug, iyagoo ku soo bandhigay heeso wadani iyo dhiiri galin isugu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM