Bangiga Dhexe ee Somalia oo diidey lacag lagu daabacey Puntland

Image

Sept 6, 2015 (GO)- Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali oo warsaxafdeed qabtey 5 Sept,2015 ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in maamulka Puntland oo kamid ah tiirarka Federaalka laga soo saaro lacago been abuur ah kuwasoo dhaawacaya dhaqaalaha dalka islamarkaana abuuraya sicir barar ku yimaada badeecadaha dalka imaanaya.

Warsaxafadeedka kasoo baxey xafiiska Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa lagu sheegey in ficil sharci daro oo aan la aqbali karin tahay in lacago la iska daabaco iyadoo khalkhal la galinayo dhaqaalaha dalkaBashiir Ciise ayaa xusey in Bangiga dhexe uu wado dadaalo lagu saxayo dhaqaalaha dalka iyaga oo kaashanaya hay'ada caalamiga ah kuwasoo tageeraya sidii dalka Somalia dhaqaale ahaan u soo 

"Waxaa socda heshiisyo Somalia la gashay sanduuqa lacagta adduunka (IMF) oo u horseedeya nidaaminta dhaqaalaha wajiyadiisa kala duwan, si dalka ficil ahaan dib ugu laabto nidaamka maaliyadeed ee adduunka iyo in laga cafiyo daymaha faraha badan oo Somalia lagu leeyahay, taasoo ah sida kaliya oo lagu xaqiijin karo mustaqbal horumar leh, lacag si sahlan loo soo daabaco waxay wiiqeysaa heshiisyadaasi muhiimka ah." sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia oo xafiiskiisa kula hadley saxaafada maalintii Sabtida Sept 5,2015.

“Lacag kasta oo been abuur ah waxay abuureysaa dhibaato dhaqaale, mid cadaaladeed iyo mid akhlaaqeed marka warqado been abuur ah la soo daabaco oo lagula wareego hantida xalaasha ah ee dadweynaha ama sicir barar lagu abuuro” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan oo uu ku saxiixnaa Bashiir Ciise Cali.

Bashiir Ciise Cali ayaa sidoo kale sheegey in Bangiga dhexe ee Somalia dadweynaha uga digayo inaan la aqbalin lacagtaas been abuurka ah oo Puntland hadda laga soo saaray iyo midkasta oo la mid ah oo meel kasta laga soo suuq geliyo.

Hadalka Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii xukuumada Puntland lacago Shilin Somali ah oo ay ku daabacdey Bosaso mushaharaad ku siisey shaqaalaha dowlada iyo ciidamada.

Dhinaca kale wararka Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in Bangiga aduunka uu hakiyey kulan bisha Sept 12,2015 la qaadan lahaa Puntland kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya iney daabaceen lacago Shilin Somali ah.

Bangiga aduunka ayaa qorsheynayey inuu Puntland ka tageero kabida mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah iyadoo wararku sheegayaan in sanadkaan gudihiisa uu bilaabi lahaa bixinta mushaharaadka shaqaalaha wasaaradaha waxbarshada iyo caafimaadka.

Puntland oo ka mid ah dowladaha ka tirsan federaalka  Somalia ayaan sharci ahaan daabaci karin lacago Shilin Somali ah oo gaar kaligeed u ah,  taasoo noqneysa talaabo sharci daro 

Dowlada Somaliland oo horey u sheegtey iney ka go'dey dalka Somalia intiisa kale ayaa daabacatey lacago ka duwan kuwa Shilin Somaliga kuwasoo ka shaqeeya kaliya degaanada hoos taga maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM