Barlamaanka oo diidey dalabkii xildhibaannadu ku doonayeen kal-fadhiga

Image

May 14, 2015 (GO)- Xildhibaannadii Guddoonka Baarlammaanka Puntland ka dalbanayey kal-fadhiga deg degga ah ayaa ku guul dareystey in laga aqbalo codsigaas kaddib markii ay kooramka buuxin waayeen.

Guddiga joogtada ah ee Baarlammaanka Puntland oo maanta kulan yeeshay ayaa diidey inay aqbalaan dalabkaas,  kaddib markii la  ogaadey in tirada xildhibaannada codsiga soo gudbiyey ka yartahay inta sharcigu dhigayo inay kal-fadhi deg deg ah soo dalban karaan oo ah 21 xildhibaan.

Xildhibaannada soo gudbiyey dalabka oo markii hore tiradoodu ahayd 21 xildhibaan ayaa waxaa tanaasuley lix kamid ah, arrintaasoo keentay in tirada kuwa doonaya kulanku ay noqotey 15 xildhibaan oo keliya.

Dhinaca kale, mid kamid ah xildhibaannadda dib loo celiyey codsiga ay soo guudbisteen, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu faragelin ku sameysey islamarkaana la laaluushey qaar kamid ah xildhibaannada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kulan ay shalay ku qabteen Garowe, waxay xildhibaannadaasi ku sheegeen inaysan ka tanaasuli doonin go'aankooda, maadaama ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay kal-fadhi deg deg ah dalbadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM