Barlamaanka oo diidey dalabkii xildhibaannadu ku doonayeen kal-fadhiga

Image

May 14, 2015 (GO)- Xildhibaannadii Guddoonka Baarlammaanka Puntland ka dalbanayey kal-fadhiga deg degga ah ayaa ku guul dareystey in laga aqbalo codsigaas kaddib markii ay kooramka buuxin waayeen.

Guddiga joogtada ah ee Baarlammaanka Puntland oo maanta kulan yeeshay ayaa diidey inay aqbalaan dalabkaas,  kaddib markii la  ogaadey in tirada xildhibaannada codsiga soo gudbiyey ka yartahay inta sharcigu dhigayo inay kal-fadhi deg deg ah soo dalban karaan oo ah 21 xildhibaan.

Xildhibaannada soo gudbiyey dalabka oo markii hore tiradoodu ahayd 21 xildhibaan ayaa waxaa tanaasuley lix kamid ah, arrintaasoo keentay in tirada kuwa doonaya kulanku ay noqotey 15 xildhibaan oo keliya.

Dhinaca kale, mid kamid ah xildhibaannadda dib loo celiyey codsiga ay soo guudbisteen, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu faragelin ku sameysey islamarkaana la laaluushey qaar kamid ah xildhibaannada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kulan ay shalay ku qabteen Garowe, waxay xildhibaannadaasi ku sheegeen inaysan ka tanaasuli doonin go'aankooda, maadaama ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay kal-fadhi deg deg ah dalbadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM