Barlamanka Puntland oo ansaxiyey degmooyin cusub

Image

GAROWE , Puntland- Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyey afar degmo oo oo kala ah Bursaalax,Xunbays,Shaxda iyo Dhudhub waxaana deeganada oo ka kala tirsan gobollada Mudug,Bari iyo Karkaar dhawaan meel mariyey golihii wasiirada ee dhawaan kalsoonida lagala noqday.

Fadhiga maanta oo ay fadhiyeen 44 xildhibaan ayaa waxaa haa ugu codeeyey in degmooyin loo aqoonsado deeganadan 39 mudane,halka uu hal xildhibaan diiday afar-na waa ay ka aamuseen.

Barlamanka Puntland ayaa weli ku guda jira kalfadhiga 39 aad,waxaana arrimaha u harsan ka mid ansixinta golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabi doono Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Waxaa la xaliyey khilaaf u dhexeeyey Barlamanka iyo Madaxweynaha Puntland iyadoo dadka la socda arima Golaha sheegayaan in loo fuliyey qodobo ay dalbanayeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM