Barlamanka Puntland oo ansaxiyey wasiiro la magacaabey

Image

Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyey  qaar ka tirsan golaha wasiirada kuwasoo Madaxweyne Gaas dhowaan isbedelka ku sameeyey. 

Barlamanka Puntland ayaa go'aansaday inay dib u wada ansixiyaan golaha wasiirada oo dhan, maadaama hal wareegto kusoo wada baxeen wasiirada cusub iyo kuwa boosaskooda loo daayey.

12 wasiir iyo hal wasiir ku-xigeen ayaa la ansixiyey, halka kuwa dhimana la sheegay in kulamada danbe la ansixin doono.

Wararka dambe ayaan idin soo gudbin doonaa codadka la xiriira ansaxintaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM