Barlamanka Puntland oo ansixiyey degmo kusoo biirtay Mudug

Image

December 17, 2014 (GO)- Xildhibaanada Barlmanka Puntland ayaa maanta meel mariyey degmo cusub oo kusoo biirtey degmooyinka Puntland ka kooban tahay.

Degmadan oo lagu magacaabo Saaxo waxay kamid noqon doontaa degmooyinka gobolka Mudug.

54 xildhibaan oo fahiga Barlamanka ee maanta soo xaadiray ayaa dhammaantood ogolaaday degmada cusub.

Maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeestay magacaabista degmadan maadaama sida ay ku doodayaan ka tirsan deegaanada Galmudug.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Dowladda Federaalku guddi u saari doonto xaalada degmadan.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweyne ku-xigeenka Puntland Barlamanka ka codsaday inay ogolaadaan in Saaxo laga dhigo degmo ka tirsan gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM