​Barlamanka Puntland oo asnixiyay Gollaha Wasiirada cusub [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Xukuumadda cusub, ee uu Isniintii lasoo dhaafay magacaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas". 

Kulanka lagu ansixiyay Xukuumadda waxaa soo xaadiray 64 Xildhibaan, kuwaasi oo 61 kamid ah ay cod gacan taag ah ku meel-mariyeen Gollaha Wasiirada, 3 Mudane ka aamustay, mana jirin cid diiday. 

Wasiirada cusub iyo ku xigeenadooda, oo ka kooban 53 xubin, ayaa u badan kuwii Xukuumaddii la riday 18-kii July, marka laga reebo Wasiirad Haweenka, Duulista Hawada iyo Xanaanada Xoolaha. 

Madaxweyne Gaas oo ka qeybgalay Kulanka, ayaa soo dhaweeyay codka kalsoonida, ee la siiyay Xukuumadiisa, isagoo uga mahadceliyay Xildhibaanada ansixinta aqlabiyad leh. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM