Barlamanka Puntland oo dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta aqalka sare Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa xarunta Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe kasocda munaasabad ay khudbado kusoo jeedinayaan murashaxiinta u taagan xubnaha Aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Xafladda waxaa jooga 22 murashax kuwaasoo soo bandhigi doonaa taariikhdooda iyo wax ay qaban doonaan.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, labadiisa ku xigeen, guddiga doorashooyinka Federaalka ee heer Puntland, wasiirro katirsan xukuumadda, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa ku sugan kulankaas.

Kulankan ayaa maanta ku koobnaan doona khudbado kaliya, halka doorashadu bilaaban doonto maalinta Berri ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka maqan goobta kulankaan ka socdo isagoo safar aan horey loo shaacin ugu ambabaxey dalka dibadiisa.

Safarka madaxweyne Gaas ayaa ku soo beegmaya xilli shacabka Puntland ku jiraan xaalad xasaasi ah tasoo ah mid siyaasadeed iyo mid amni tasoo ay sababeen arimaha ka jira Galkacayo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM