​Barlamanka Puntland oo fasax galay [Dhagayso]

Image

GAR0WE- Xildhibaan Cabdikariim Shaacuur oo kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa sheegay in Xildhibaanadu galeen fasax la xiriira gudashada waajibaadka bisha Barakaysan ee Ramadaan, kaasi oo ay ku maqnaan doonaan waqti aan la caddayn cadadkiisa.

Shaacuur oo waraysi gaar ah maanta siinayay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in Barlamanku usoo xirmay kala xulista ajandayaashii la horkeenay, kaasi oo uu xusay inay gaarayaan ilaa 17 ajande.

Xildhibaanku, wuxuu meesha ka saaray in xiritaanka fadhiga Barlamanku ay galaangal ku leedahay xukuumadda Puntland, isagoo sheegay in fasaxoodu la xiriiro oo qura qaabkii looga faa'iidaysan lahaa bisha Ramadaan, wuxuuna intaasi raaciyay in waqtiga la isu soo laabto guda gali doonaan arrimaha horyaalla Xildhibaanada.

Wuxuu sheegay Shaacuur in qorshaha ugu jirto qaabkii loola xisaabtami lahaa xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowladda.

Fasaxan, ayaa kusoo beegmay xilli 5 bari oo kaliya furanyahay kalfadhiga dastuuriga ah ee Barlamanka Puntland, iyadoo dalku ku jiro xaalad adag oo dhanka siyaasadda ah, waxaana warar hoose oo warsidaha Garowe Online helayso sheegayaan in fasaxan lasoo dadajiyay sababo ay kamid tahay codsiyo dhanka madaxda dowladda ah.Halkan ka akhriso

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM