Barlamanka Puntland oo ka hadlay colaadda gobolka Karkaar

Image

December 20, 2014 (GO)- Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo beelaha colaaddu ku dhex martay deegaano ka tirsan bariga gobolka Karkaar.

Guddiga xuquuqul insaanka Barlamanka Puntland ayaa shir-saxaafadeed ay maanta qabteen waxay kaga hadleen colaadda ka taagan gobolka karkaar iyagoo ugu baaqay dadka walaalaha ah ee xurguftu u dhexeyso inay xaaladda dejiyaan nabada iyo wada noolaanshahana ilaaliyaan.

Dhanka kale, Guddigu wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay arintan soo farageliso islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan ciidan loo kala dhex dhigo mileeshiyaadka dagaalamaya wadahadalna loo furo waxgaradka iyo odayaasha labada beelood.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo todobaadkii hore isaguna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay in dowladu hada wixii ka dambeeya u dulqaadan doonin dagaalkan oo sida uu sheegay wax ujeedo ah lahayn.

Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayuu iyagana digniin u jeediyey isagoo sheegay in dowladu raali ka noqon doonin in heshiis walba oo la gaaro si fudud lagu jebiyo.

Colaada kasoo cusboonaatay gobolka Karkaar oo muddo lix sano ka badan soo jiitameysey una dhexeysa beelaha Ugaar Saleebaan iyo Cali Saleebaan waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 ku geeriyoodey in ka badan 50 qof.

Marar badan ayaa laysku dayey sidii colaaddaas xal waara looga gaari lahaa iyadoo la qabtay shirar dhowr ah kuwaasoo odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ku heshiiyeen. 

Bishan December horaanteedii ayey ahayd markii ergooyin labada dhan ka kala socdaa Garowe ku saxiixeen heshiis nabadeed oo dowladu garwadeen ka ahayd. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM