Barlamanka Puntland oo ka hadlay shidaal baarista Somaliland ee gobolka Sool

Image

10 December, 2015(GO)-Xildhibaan Cali Dhagacadde oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay diyaaro ajaanib ah balse ku shaqaynaya qorsha shidaal baaris Somaliland ka waddo deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Mudanaha, ayaa tilmaamay ina maalmahan degaano hoos yimaada Xuddun iyo Taleex laga soo sheegayay warar tilmaamaya in diyaaro la socdaan ciidamo dhulka ka samaynayeen baaritaan isla markaana qaadaneyeen macdan.

Maamulka Somaliland ayaa Xildhibaan Cali Dhagacade u sheegay inay ka waantoobaan daan daansiga ay ka wadaan deegaanada Puntland, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay dalkooda ilaashadaan.
Dowladda Puntland ayuu u soo jeediyay inay qaadato doorkeeda dastuuriga ah.

Xaaladda qaybo ka mid ah gobolka Sool ayaa malmahan kacsanayd, kadib markii ay yimaadeen shirkad ajnabi ah oo ka socota maamulka Somaliland taaso qandaraas ku qaadatay inay shidaal baaris ka sameyso deegaano gobolkaasi ka mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM