Barlamanka Puntland oo ka hadlay shidaal baarista Somaliland ee gobolka Sool

Image

10 December, 2015(GO)-Xildhibaan Cali Dhagacadde oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay diyaaro ajaanib ah balse ku shaqaynaya qorsha shidaal baaris Somaliland ka waddo deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Mudanaha, ayaa tilmaamay ina maalmahan degaano hoos yimaada Xuddun iyo Taleex laga soo sheegayay warar tilmaamaya in diyaaro la socdaan ciidamo dhulka ka samaynayeen baaritaan isla markaana qaadaneyeen macdan.

Maamulka Somaliland ayaa Xildhibaan Cali Dhagacade u sheegay inay ka waantoobaan daan daansiga ay ka wadaan deegaanada Puntland, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay dalkooda ilaashadaan.
Dowladda Puntland ayuu u soo jeediyay inay qaadato doorkeeda dastuuriga ah.

Xaaladda qaybo ka mid ah gobolka Sool ayaa malmahan kacsanayd, kadib markii ay yimaadeen shirkad ajnabi ah oo ka socota maamulka Somaliland taaso qandaraas ku qaadatay inay shidaal baaris ka sameyso deegaano gobolkaasi ka mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM