Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay doorashada Somaliland [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Kalfadhiga Golaha Barlamanka Puntland ee 40aad oo si rasmi ah uga soconaya magaalada Garoowe ayaa maanta looga hadlay arrimo ay kamid tahay xaaladda gobollada lagu muransanyahay ee Sool, Sanaag iyo Cayn taasoo ay Somaliland ka wado dhaq-dhaqaaqyo la xariira doorashada maamulkaas oo lagu wado inay dhacdo 13 bishan.

Xoghayahay Barlamanka Puntland oo akhrinayay qodobo ay gaareen Golaha Barlamanka ayaa sheegay in laga hortago doorashada maamulkaas inay ka dhacdo gobollada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn.

Qodoba ayaa u dhignaa sidan;

In xukuumadu si deg deg ah uga howlgasho sidii looga hortagi lahaa, loogana difaaci lahaa gobollada Puntland doorasho ku sheega Somaliland.

In wax doorasho ku sheeg ah ayan ka dhici karin gobolada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn, lana sugo amniga xuduudahaas

In xukuumadu gudato waajibaadka dasuuriga ah ee difaacida dalka, kana hortegto faragalinta qaawan ee Somaliland sida uu qabo qodobadka 7aad dastuurka Puntland.

In Xukuumadu soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland, ugana digto Beesha caalamka inay ku garab siiyaan arrintaas.

Qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda gobolladaas ayaa tilmaamay inay tahay waxaan la asmici karin in Somaliland doorasho ka samayso gobollo kamid ah xuduuda Puntland, waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay qaadato doorkeeda.

Hadalkan ayaa yimid Xilli doorashada Somaliland ay ka harsantahay 5 cisho oo qura, wixii intaas ka horeeyayna murashaxiinta maamulkaas ay tagayeen gobollada ay ku doodayaan Xildhibaanadu.

Xildhibaanada Puntland ee kasoo jeeda gobolada lagu muransan yahay ayaa iyagu daacad ka aheyn kuwasoo iibsada siyaasadaha ku aadan qadiyadaha degaanadooda.

17 xildhibaan oo inta badan ka yimid Gobolada Sool iyo Cayn ayaa tagi karin Gobolada ay kasoo jeedaan kuwasoo magalaada Garowe musuq maasuqa xalaadaha Gobolada kale ee Puntland.

Halkan ka Daawo

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM