Barlamanka Puntland oo xasaanad siiyay Afar Wasiir

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Barlamanka dowladda Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 40-aad oo si rasmi ah uga soconaya magaalada Garoowe, ayaa maanta Xasaanad siiyay Afar kamid ah golaha xukuumadda.

Wasiirradan ayaa ka maqnaa fadhigii hore ee xasaanada lagu siiyay golaha xukuumadda ee hadda jira,  kadib markii Madaxweyne Gaas soo magacaabay kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada.

Wasiirrada helay Xasaanadda Dastuuriga ah ee golaha xukuumadda waxaa kamid ah; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dib u dhiska iyo Horumarka Puntland, Abshir Cabdulaahi Maxamed, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasiiru dowladaha Kalluumaysiga iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Quraan-jecel.

Afartaan xubnood ayaa kahor inta aan la siin xasaanadda soo bandhigay Wax-qabadkooda iyo taariikh nololeedkooda iyagoo ballan qaaday inay dalka iyo dadka si wanaagsan ugu adeegi doonaan hadii ay helaan codka golaha shacabka.

Kulankan lagu xasaanad siiyay mudanayaashan waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Arrintan ayaa timid xilli Mas'uuliyiintan muddo magacaab-naayeen iyagoo sugayay fadhiga golaha Barlamanka, halka xubno kale dhawaan lasoo magacaabay, sida wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dib u dhiska iyo hormarinta Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM