Beelihii dhawaan ku diriray deeganka Sheerbi oo Maanta gogol Nabadeed u bilaamatay

Image
Shirkaan ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah nabadda deeganka Sheerbi.

Garoowe, Soomaaliya - Waxaa Maanta si rasmi ah degmada Carmo gobalka Bari uga bilaabatay gogosha Nabadeed ee beelo diri ku dhex martay deeganka Sheerbi ee gobalka Karkaar.

Gogoshaan ayaa waxaa fidiyey isimada dhaqanka gobalka Bari, iyagoo u istaagay siidi ay Nabad ugu soo dabaali lahayen Colaadda ku soo laa labtay deegankaasi.

Deeganka sheerbi ayaa bilihii ugu dambeyey Colaad Qabiil ay uga qaxeen dadkii deegaanka ku ahaa 20kii sano ee ugu dambeyey.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah nabadda deeganka Sheerbi iyo sidii aysan Colaadd dambe uga dhicin.

Dhawaan ayey ahayd markii deegaankaasi ay tageen guddi gaar ah oo ka socda Golaha Wakiilada Puntland si ay dhankooda qayb uga noqdaan xalka nabadeed ee deegankaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM