Beeraleyda Puntland oo Garowe ku shirey

Image

March 5, 2015 (GO)- Beeraleyda sagaalka gobol ee Puntland ayaa Garowe ku yeeshay shir ay ugu magac dareen Isku-tashiga Beeraleyda Puntland.

Shirkaas oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa, waxay beeraleydu uga arrinsanayeen xal u helista dhibaatooyinka soo wajaha iyo sidii horumar looga sameyn lahaa dhanka wax soo saarka.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee Puntland, ergooyin metelayey iskaashatooyinka beeraleyda ee sagaalka gobol ee Puntland iyo weliba khubaro dhanka beeraha aqoon durugsan u leh.

Faadumo Maxmed Guuleed oo ku hadleysey afka beeraleyda Puntland gaar ahaan gobolka Sanaag ayaa si kooban uga warbixisey dhibaatooyinka beeraleyda soo wajaha, arrimihii ay sida gaar ah u tilmaantey waxaa kamd ah: qalab yari, cayayaanka waxyeeleeya dalagyada iyo  tacabka beeraha dalka gudihiisa oo aan suuq fiican lahayn.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxmuud Xasan Soo-cadde  oo intaas kadib hadlay ayaa ballan qaaday in wasaarad ahaan ay beeraleyda ka taageeri doonaan suuq geynta tacabka kasoo go'a beerahooda.

Gaba gabadii, waxaa ereyo dardaaran ah u jeedisey beeralayda wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, Siciido Xuseen Cali iyadoo ku boorridey inay tacabkooda kordhiyaan.

Qaar kamid ah hay'adaha dhanka beeraha kala shaqeeya Dowladda Puntland oo kulanka lagu casumey ayaan kasoo qayb gelin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM