​Beesha Caalamka oo ku baaqday in Xildhibaanadu doortaan hogaamiye wax ka qaban kara xaaladda Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen dalka daneeya Arrimaha Somalia, ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray hogaamiyaasha cusub ee loo doortay Barlamanka Federaalka Somalia labadiisa Aqal.

Qoraalka oo kasoo baxay Qaramada Midoobay, AU, EU, Ethiopia, Italy, Sweden iyo USA, lagu sheegay in xildhibaanda labada Aqal wajahayaan xaalad adag oo u baahan in si feejignaan ah looga gudbo, waxaana loogu baaqay inay sameeyaan guddi labada Aqal ku midaysanyihiin kaasoo daadihiya arrimaha doorashada Madaxweynaha.

Waxaa labada aqal sidoo kale loogu baaqay inay noqdaan kuwo ka fogaada khilaafaadka oo isku xiran kana wada shaqeeya sidii looga gudbi lahaa xaaladda adag iyagoo looga digay inay sumcadooda ku xiraan kharashaad.

”Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda  ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana xildhibaanada  ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qancikaraan bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Beesha Caalamka,” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Danjiraha wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Abaaro, shaqo la'aan iyo amni xumo sidaas awgeed loo baahanyahay sidii Barlamanka u dooran lahaayeen hogaamiyihii shacabka ka saari lahaa marxaladdaas.

“Isla markaana Soomaaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka  waxaa ay fursad u leeyihiin inay doortaan  hoggaan kaasi wax ka qaban kara  baahida aasaasiga ah muwaadiniinta dalka, ” Ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

Ugu dambayntii beesha Caalamka ayaa ka digtay inta doorashadu socoto in la adeegsado dhammaan waxyaabaha keeni kara musuqmaasuq iyo ku tagrifal awoodeed, waxayna sheegeen inay filaan doorashada Madaxweynaha inay noqoto mid u dhacda qaab cadaalad ah oo ay ku qanci karaan beesha caalamka iyo bulshada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM