Beesha Caalamka oo ku Wajahan Puntland

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa Isniinta 8 Feb,2016 waxaa soo gaaraya wafti ka socda beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia. 

Kulankaan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doona go'aankii dowlada Federaalka kasoo saartey qaabka doorasho ee Somalia iyadoo dowlada Puntland diidey.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in xubnaha beesha caalamka kulamo la qaadan doonaan golayaasha dowlada, siyasiyiinta, bulshada rayidka ah iyo odey dhaqameedka Puntland.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe ayaa kulamo hordhac ah la yeeshey 4 Feb,2016 qaar ka tirsan siyaasiyiinta Puntland kuwasoo lagaga hadlay qaabka kulamadaan u dhacayaan iyo qodobada lagaga hadlayo.

Dhinac kale wakiilka xafiiska Qaramada Midobey ee Puntland ayaa maanta Feb 4,2016 gurigiisa ku soo booqdey madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole.

Kulankaan ayaa lagaga hadlay sida warsidaha Garowe online xogta ku helayo kulanmada la filayo in asbuuca soo socda u bilowdaan xubnaha beesha caalamka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa la filayaa sidoo kale in kulamo hordhac ah uu la qaato qaybaha kala duwan ee buslahada iyo golayaasha dowlada.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa tan iyo markii ay kasoo noqdeen magaalada Muqdishu ayaa isaga riixey ogolaanshaha go'aankii Muqdishu beesha caalamka iyo shacbka labadaas maamul kawada hadlaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM