Beesha Caalamka oo war culus ka soo saartay ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ee Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa maanta soo saartay War-saxaafadeed ku aadan xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Waxay walaac ka muujiyeen halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda, waxayna ku tilmaameen Joogitaanka ciidamada PMPF mid cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.

Bayaanka ay soo saareen ayaa lagu yiri:

“Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.”

Waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’antahay inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqday in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

Bayaanka ayaa ku mideysanaa:

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM