Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Image
Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

GAROWE, Puntland - Booliska Puntland ayaa xalay Kulan toosa ah waxay la qateen Shacabka Caasimada Garoowe. Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta cilmi baarista iyo hormarinta Puntland PDRC.

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

Booliska Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siinaya doorka iyo kaalinta bulshadda Puntland kuleeyihiin la shaqaynta laamaha amniga dowlada Puntland si loo xaqiijiyo Hormarka iyo wadajirka umadda reer Puntland.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa laysku waydaarsaday xogo iyo talooyin muhiim u ah iskaashaga iyo wadshaqaynta booliska iyo bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM