Booliska Puntland oo qabtey maxbuus ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo

Image
Barkhad Cawil Xirsi ayaa ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Boliiska puntland ayaa gacanta ku dhigay barkhad cawil xirsi oo ka mid ah afar rag ah dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaal gaalkacyo.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KASOO BAXAY BILEYSKA

 Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.

Sidoo kale waxaa wili baxsad ah,
1 Abdiqani saleeban jama (Sayloor)
2Abdulahu faysal xusen (Abuujonge)
3Abdirahman Awal maxamed (Siigayste)

Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah.

Nagalasoo xiriir 5540000
Nagalasoo xiriir 4314441
Nagalasoo xiriir 5500000


GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM