Cabasho laga keenay Kursi Madaxweyne Gaas wareejiyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan ka dhacay magaalada Garowe, ayaa looga hadlay qaabka Madaxweynaha Puntland ku bixiyay kursi kamid ah kuwa Aqalka hoose ee ay leedahay beesha Dhulbahante gaar ahaan Jufida Hayaag.

Boqorka Guud ee dhulbahante, ayaa madashaas joogay isagoo ay hareer fadhiyeen qaar kamid ah cuqaasha Jufidaas iyo Ergadiid loo soo xulay inay doortaan dadka u sharaxan Xildhibaanimada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia.

Cabdullaahi Axmed Cali (Daba-gooye), boqorka Guud ee Dhulbahante, ayaa madasha ka cadeeyay in Madaxweyne Gaas toos u faro gashaday arrimaha qabaa'il, isagoo intaas ku daray in saxiixiisii la dabo-maray.

Boqorka ayaa xusay in Gaas uu arrintaas kala hadlay, balse badalkeeda u sameeyay ballanqaadyo kala duwan inkastoo uu diiday sada uu hadalka u dhigay.

"Waan kala hadlay Madaxweynaha isagoo Galkacyo jooga, balse wuxuu ii sameeyay ballanqaad isagoo yiri xitaa Wasiir baan ku siin, laakiin waan u sheegay inaan ahayn nin la iibsado, waana u sheegay in dowlado lacag ila dul joogaan hadaan iibsamayana mar hore la i iibsan lahaa," Sidaasi waxaa yir Boqorka Cabdullaahi Daba-gooye oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe.

Dhinaca kale qaar kamid ah cuqaasha Jifida kursiga laga wareejiyay, ayaa codsay in la eego maslaxadda umadda Somaliyeed islarkaana hishiiska madasha aanu ku jirin in xubno la iska wareejiyo ee ay ahayd in la hirgaliyo hishiisyadii madasha oo kaliya.

Waxay ka digeen in la isku diro beelaha walaalaha ah [Hayaag iyo Yaxye], isagoo xubnaha ku jira dowladda ee arrimaha ku lug leh ugu baaqay inay ka digtoonaadaan waxyaabaha ay ku kacayaan, halka jufida ugu baaqeen inaysan qaadan kursiga lasoo dhacay.

Goobta ayay kusoo bandhigeen documentiyo kala duwan oo ay ku qoranyihiin Ergadii ay soo xusheen iyo Xildhibaanka beesha matalaysa, waxayna xuseen inaysan ka taanaasuli doonin kursigooda.

Dhinac kale, boqorka ayaa soo bandhigay Cadaymo muujinaya inuu kamid ahaa raggii wax ka ansixiyay dastuurka Somalia islamarkaana kamid ahaa Duub-dhaqameedkii soo xulay Baarlamanka waqtiga uu ka dhammaaday, wuxuuna ayaan darro ku tilmaamay tallaabooyinka uu isticmaalayo Madaxweyne Gaas.

Shaacinta arrintan ayaa timid kadib markii Jufidaasi [Hayaag] laga qaaday Kursigii ay kulahaayeen Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia islaamrkaana loo wareejiyay Jufida kale [Yaxye] ee Dhulbahante, waxaana tallaabadaas ka shaqeeyay Madaxweynaha Puntland iyo xubno ku jira labada gole ee dowladda, kuwaasoo xiriir dhow la leh Cabdiwali Gaas.

Arrintan ayaa shaaca ka qaadaysa doorka Madaxda maamul goboleedyadu ku leeyihiin xubnaha kusoo baxaya Aqalka hoose, kaasoo la sheegay inay hareeyeen musuq-maasuq iyo handadaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM