Bosaso: afar qof oo isku qoys ah oo ku geeriyoodey dab

Image

July 12, 2015 (GO)- Afar qof oo hal qoys ka wada tirsan ayaa ku geeriyoodey dab maanta qabsaday guri cooshad ka sameysan oo ku yaalla kaamka barakacayaasha 55-aad ee magaalada Bosaso.

Afarta qof ayaa kala ahaa aabe, hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhaleen. Lama oga sababta dabka dhalisay, waxaana socda baaritaan ay booliska degmadu wadaan.

Shilal noocan ah ayaa dhowr mar oo hore magaalada Bosaso ka dhacay, waxaana inta badan loo sababeeyaa guryaha dadka soo qaxay deggen yihiin oo cooshado ka sameysan una nugul dabka.

April 16, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale labo carruur ahi ugu dhinteen dab qabsadey kaamka barakaceyaasha ee Buulo-Mingis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM