Bosaso: Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii saldhiga Bartamaha

Image

January 11, 2015 (GO)- Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar xalay lagu qaaday saldhiga dhexe ee booliiska degmadda Bosaso.

Afhayeenka hawlgallada Ururka Al-Shabaab Cabdicasiis Abu-Muscab ayaa sheegay in ay afar askari ku dhaawaceen labo bam gacmeed oo xalay lagu tuuray saldhiga Bartamaha, balse saraakiisha booliiska Bosaso ayaa Garowe Online u sheegay in weerarkii xalay dhaawac fudud uu ka soo gaaray labo askari iyo qof rayid ah.

Dhanka kale afhayeenka hawlgalladda Al-Shabaab wuxuu xusay in ay ka dambeeyeen qarax miino oo saddex askari oo ka tirsanaa ciidamadda maamulka Jubba ku geeriyoodeen.

Qaraxaas oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay xaafadda Guul Wade ee magaaladda Kismaayo, wuxuuna ka dhashay miino jidka dhinaciisa lagu aasay oo ah nooca meelaha fog laga hago.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay dagaalo xoogan ayaa waxaa ku dhexmaray buuralaydda Galgala oo waqooyi galbeed Bosaso kaga beegan ciidamadda amaanka Puntland iyo Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM