Bosaso: carruur ku dhimatey dab qabsadey kaamka Buulo Mingis

Image

April 16, 2015 (GO)- Labo qof ayaa ku geeriyoodey mid kalena wuu ku dhaawacmey dab maanta qabsadey guri ku yaalla kaamka barakaceyaasha Buulo Mingis ee magaalada Bosaso.

Dadka dabkaas ku waxyeeloobey ayaa ahaa saddex ilmood oo isku hal qoys kasoo wada jeeda.

Guddoomiyaha kaamka Buulo Mingis Siid Cali Nuur ayaa u sheegay Garowe Online in carruurta gubatey hooyadood guriga ku xirtey kadibna suuqa aaddey.

Guddoomiyuhu ma sheegin sababta dabka keentay, waxase loo badinayaa in carruurtu isku gubeen taraq guriga dhexdiisa yaalley.

Xaaladda caafimaad ee cunugga dhaawaca ah ayaa aad looga dayrinayaa, waxaana xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Bosaso.

Shilal noocan ah ayaa dhowr mar oo hore magaalada Bosaso ka dhacay, waxaana inta badan loo sababeeyaa guryaha barakaceyaashu deggen yihiin oo cooshado ka sameysan una nugul dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM