Bosaso: kooxo hubeysan oo soo weeraray bar

Image

February 7, 2015 (GO)- Kooxo hubeysan ayaa caawa soo weeraray bar-kantarool oo meel u dhow Hotel Panorama u taaley ilaalada taliye ku-xigeenka booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse.

Iska hor imaad xooggan ayaa dhex maray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada taliyaha.

Faah faahin dheeri ah laga hayo khasaaraha, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in weerarka hal askari lagu diley labo kalena lagu dhaawacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii weerarka soo qaadey hal nin laga diley mid kale oo dhaawac ahna ay qaateen.

Hotel Panorama waxaa ku dhow xabsiga weyn ee Gaal-shrie halkaasoo hadda kahor kooxo Al-shabab ka tirsani soo weerareen, waxaa sidoo ku dhow guriga uu degen yahay taliye ku-xigeenka ciidamda booliska Muxiyadiin Axmed Muuse.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii Al-shabaab weerar qorsheysan kusoo qaaddey saldhigga booliska Baalade oo masaafo aan badneyn u jira goobta caawa lasoo weeraray.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM