Bosaso: maamulka gobolka Bari oo kormeeray saldhigyada booliska

Image
Image
Image

June 10, 2015 (GO)- Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka cusub ee gobolka Bari ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey saldhigyada booliska ee degmada Bosaso.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Wacays (Dhedo) iyo duqa Bosaso Maxamed Siciid Shabeel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada kormeerkani ahayd si loogu kuurgalo xaaladda ciidamada ka hawlgala saldhigyada booliska iyo weliba xaaladda nololeed ee maxaabiista.

Dhedo iyo Shabeel oo todobaad kahor xilka la wareegey ayaa ballan qaadey waxqababad ballaaran iyagoo sheegay inay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii ugu horreysey ee mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari ay kormeer ku tagaan qaar kamid ah xarumaha dowladda ee degmada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM