Bosaso: Madaxweynaha Puntland oo kormeeray xarumo dowladeed

Image
Image
Image
Image

May 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey  qaar kamid ah xarumaha dowladda ee magaalada Bosaso.

Goobaha Madaxweynuhu tegey waxaa kamid ah  xarunta Wasaaradda Maaliyadda  ,xarunta maamulka gobolka Bari iyo xarunta maamulka degmada Bosaaso .

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii uu ugu  kuur geli lahaa habsami u socodka shaqo ee xarumaha dawladda.

Madaxweyne Gaas ayaa dhammaan xarumaha uu booqday indha indheeyey , waxaana uu madaxda iyo shaqaalahaba ku dhiirigeliyey dardar gelinta shaqooyinka ay hayaan, isagoo xusay in qofkasta lagula xisaabtamayo howsha loo idmaday loogana baahan yahay firfircooni dheeri ah .

Gaas ayaa markii uu soo gebagebeeyey kormeerka waxaa uu saxaafadda kula hadlay aqalka madaxtooyada ee Boosaaso, waxana uu sheegay in kormeerkii uu maanta sameeyey kusoo dhamaadey isagoo intaas ku daray inuu warbixino la xiriira habka ay u socoto shaqadu kasoo dhagaystay madaxdii iyo shaqaalihii uu la kulmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM