Maxkamadda ciidamada PL oo lix eedaysane xukuntay

Image

October 13, 2014 (GO)- Lix qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab qaybna ka qaateen falal ammaanka liddi ku ah oo laga geystey Puntland ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan.

Eedaysaneyaasha oo isugu jirey shan rag ah iyo gabar waxaa lagu kala magacaabaa: Saacid Aadan Ibraahim, Salmo Cali Maxamed, Daa'uud Aadan Ibraahim, Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale, Faarax Axmed Maxamed iyo Cabdiweli Cabdulaahi.

Kadib markii maxkamadu dhegeysatay eedda xeer ilaalinta, difaaca qareemada iyo qiraal qaar kamid ah eedeysaneyaashu maxkamada horteeda ka sameeyeen, waxaa xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan.

Wuxuuna sheegay in dil lagu xukumay Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale oo ciidamada ammaanku bishii April, 2014 ku qabteen magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari xilli uu walxaha qarxa aasayey.

Eedaysane kale oo lagu magacaabo Daa’uud Aadan Ibraahim oo isna ciidamada ammaanka Puntland kasoo qabteen agagaarka deegaanka Galgala laguna soo oogey inuu wax ka ogaa qarax halkaas lagula eegtay gaari ay wateen ciidamadu ayaa lagu xukumay xarig mudadiisu tahay shan sano.

Maxkamadda ayaa dib xoriyadoodii ugu soo celisey Faarax Axmed Maxamed, Salmo Cali Maxamed  iyo Cabdiweli Cabdulaahi, saddexdaas qof oo laga soo qabtay guriga ninka dilka lagu xukumay ee ah Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale.

Eedaysanaha lixaad oo lagu magacaabo Saacid Aadan Cabdullaahi maxkamaddu xukunkiisa dib ayey u dhigtay, waxaana xusid mudan in dhammaan dadka maanta la xukumay fursad loo siiyey mudo bil ah oo xukunka lagu ridey ay rafcaan kaga qaadan karaan.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Haylaan iyo Sanaag waxay laga soo bilaabo bishii January ee sanadkan xukuntay in ka badan 30 qof oo ku eedeysnaa inay xubno ka yihiin Al-shabab, dadkaasoo qaarkood xukuno kala duwan lagu ridey qaar kalena dib xoriyadooda loogu soo celiyey kadib markii wax dembi ah lagu waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM