Bosaso: nin ka tirsan kooxdii fulisey weerarka oo hadlay [Dhegeyso]

Image
Image
Image
Image

February 8, 2015 (GO)- Booliska degmada Bosaso ayaa soo bandhigey xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtey hawlgal xalay ciidamadu sameeyeen kadib weerar lagu soo qaadey bar-kantarool oo taaley meel u dhow Hotel Panorama.

Dadka la soo bandhigey oo tiradoodu saddex tahay waxaa gacanta lagu dhigey waxyar kadib markii uu la gaddoomey gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo ay weerarka kadib  ku baxsadeen.

Shilka oo ka dhacay jidka sodonka ee dhowaan laga sameeyey bariga magaalada waxaa ku dhintey mid kamid ah afar nin oo gaariga saarnaa balse saddexda kale ayaa iyaga oo dhaawac ah la keenay isbitaalka guud ee degmada.DHEGEYSO 

Saraakiisha booliska oo maanta si wadajir ah shir-jaraa'id u qabtey ayaa warbaahinta usoo bandhigey nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamuud Rashiid Cali kuna jirey kooxdii weerarka fulisey ee uu gaarigu la rogmadey.

Ninkaas ayaa saxaafadda uga waramay weerarka qaabkii loo soo qorsheeyey, tirada xubnaha fuliyey iyo weliba noocyada hubka ay wateen.

Boolisku wuxuu sidoo kale soo bandhigey labo nin oo dhaawac ah iyo labo kale oo meyd ah. Labada dhaawaca ah midkood waa sarkaalkii hoggaaminayey kooxdii xalay weerarka geysatey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM