Bosaso: Wasiirkii Amniga Puntland oo dhaawacmey

Image

Wararka laga heleyo magaalada Bossso ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga dowlada Puntland uu dhaawaacmey kadib markii rasaas ku fureen askar gadoodsan.

Ciidamada gadoodsan ayaa la sheegayaa iney ahaayeen kuwa Birmadka oo ka howlgalaa magaalada Bosaso waxaana madax u ah Taliye Afdalow. 

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamadaan markii hore qabsadeen taliyaha Booliska kadibna Wasiirku halkaas tagey madaama khilaaf xoogan u dhrxeeyey taliyaha Birmadka.

Sidoo kale waxaa jira wararka sheegaya in taliyaha booliska iyo taliyaha ciidmada Birmadka khilaaf u dhrxeeyey.

Sarkaal booliska ka tirsan oo Garowe Online la hadlay ayaa sheegaya sheegaya in tirakoob ciidamada ah uu Wasiirka Amniga wadey iyadoo halkaas sidoo kale ku sugnaayeen taliyaha Birmadka iyo gufoomiyaha gobolka. 

" Goobta tirakoobka ka socdey waxaa soo galey taliyaha booliska Markaas waxaa ay feer isku bilaabeen taliyaha ciidamada Birmadka, kadib waxa rasas furey ilaalada taliyaha booliska" sidaas waxa yiri sarkaal booliska ah oo didey magaciisa. 

Wasiirka Amniga ayaa dhinaca kale xogta aan Ka heleyno isbitaslka sheegeysaa in lugta dhaawaac kasoo gaarey.

Arinkaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Bosaso.

Garoweonline kala soco warar dheraad ah

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM