Bulshada Rayidka Puntland oo taageeray go’aamada Isimmada SSC-Khaatumo

Image
Bulshada Rayidka Puntland iyo PDR ayaa taageeray go'aanka Issimada SSC-Khaatumo.

GAROWE, Soomaaliya - Xarunta horumarinta iyo Baarista Puntland iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maanta kaga hadlay mawqifkooda ku aadan go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo ee kaga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.

Madasha ayaa daraaseysay 3 soo jeedin oo kala ah:

1- Doorashada ayaa la qaban doonaa January 8, 2024, iyadoo la dooranayo 49 xildhibaan, iyadoo aysan ka soo qaybgelin 17 wakiil oo ka socda SSC-Khaatumo.

2- In doorashada dib loo dhigo inta xal la isku raacsan yahay laga gaarayo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo.

3- 66 Xildhibaan ayaa la soo xulan, qaabka loo soo xulayna lama cadeyn.

Intaas ka dib, waxa ay isku raaceen taageerida g’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, doorashadana waqtigeedii ku dhacdo si nabad ah, islamarkaana 49 Mudane ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM