Bulshada Rayidka Puntland oo war ka soo saartay shaqaaqadii Maraaga

Image
Dagaalka Maraaga ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 8 ruux.

GAROWE, Soomaaliya - Bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa maanta soo saartay baaq ku aadan in la joojiyo xiisada ka taagan Bariga Laascaanood oo hadda meel wanaagsan mareysa xalinteeda.

Qoraal kooban ay soo saartay PUNSA ayaa lagu yiri:

“Si loo dhawro sharafta iyo nolosha dadka rayidka ah, difaaca iyo xasilloonida gobolka Sool waxay ku kacday qiimo sare. Wax walba oo u muuqan kara in ay xagal daacinayaan qaddiyadda Sool waa in laga dhawrsadaa.”

PUNSAA ayaa xasuusisay xisbiyada walaalaha ah in waxa mideeya ay ka weyn tahay khilaafyada kala fogeeya.

“PUNSAA oo runtii aad uga xun nasiib-darrana u aragta isfahan-waaga dhacay. Waxay boggaadinaaysaa dadaalada odoyaasha iyo waxgaradka ee hawsha lagu xallinayo.” ayaa lagu xusay bayaanka.

Siyaasiyiin, dhaqan, iyo aqoonyahanno ayaa sidoo kale baaq ka soo saaray xiisada ka dhex aloosan deegaanka maaraga ka dib markii uu dagaal dhaxmaray laba beelood oo walaala ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 8 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo oo war ka soo saaray dhacdada ayaa tacsi u diray dadkii wax ku noqday shaqaaqadii Maraaga, iyaga oo sheegay in fulin-doono go'aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM