Bur-bur ku yimi dhaqaalaha Is-kushuban [Dhagayso]

Image
Image
Image

21 Septembar, 2015(GO)-Gudoomiyaha degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari Maxamuud Ismaciil Ciise oo u waramayay Radio Garowe ayaa ka hadlay dhibaato ka dhacday degmadaasi.

Waxaa uu sheegay inay gubteen 22 ka mid ah beero ku yaallay Isku-Shuban, ka dib dab qabsaday mid ka mid ah.

Hal qof oo ka mid ah beeralayda ayaa falkaasi loo soo xiray, waxaana socda baaritaanno ku aaddan sida wax u dhaceen.

Maxamuud Ismacil ayaa sheegay in arrintani saamayn ku yeelatay in  ka badan 300 oo qoys kuwaasi oo ku hanti beelay masiibada dhacday.

Dowladda Puntland iyo hay'adaha qaabilsan masiibooyinka ayuu sheegay Gudoomiyaha degmaada Isku-Shuban inay u gudbiyeen dhibka dhacay, waxaana dhawaan degmada imaan doona wufuud ka socota gobolka iyo xukuumadda Puntland si loo eego xaaladda degmada.

Beeraha gubtay waxa ku yaallay 6600 oo geed sida uu tilmaamay duqa Isku-Shuban kuwaasi oo isugu jiray geed miroodka noocyadiisa kala duwan.

Degmada ayaa caan ku ah geedka Timirta, waxaana bulshadu ku tirsanyihiin wax soo saarka beeraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM