Buug la hadlaya saxafiga oo Garowe lagusoo bandhigay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa caawa magaalada Garowe xarunta Puntland, lagusoo bandhigay buug ka hadlay saxaafadda iyo shaqada wariyaha oo uu qoray Wariyaha ruug cadaaga ah ee Axmed Maxamed Cali Kismaayo.

Buuggan oo loogu magac daray “Layliga Saxafiga”, ayaa ka kooban ku dhawaad saddex boqol oo Bogg, wuxuuna diiradda ku saaray howlaha laga doonayo saxafiga iyo waxyaabaha hagaya iyadoo sidoo kale ay ku jiraan tilmaamo muujinaya qaab shaqeedkiisa Wariyaha.

Xaflad bandhiga buuggan loogu qabtay xarunta PDRC, waxaa kasoo qayb galay, Xubno katirsan dowladda, wariyaal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Qoraaga Buggan Axmed Maxamed Cali, ayaa sheegay inuu waqti dheer ku lumiyay qoritaanka buuggan, isagoo intaas ku daray inay jiraan saxafiyiin ruug cadaa ah oo qoritaankiisa kadib ka talo bixiyay.

Wuxuu xusay inuu faa’iido weyn u leeyahay wariyaasha islamarkaana ka caawinayo inay noqdaan kuwo kasoo baxa wajibaadkooda iyagoo ka dhowrsoon waxyaabaha wax u dhimay sharafta wariyaha.

Qaar kamid ah saxafiyiintii kasoo qayb gashay oo uu ku midyahay Cabdirasaaq Xaaji Catoosh oo katirsan BBC-da, ayaa xusay inuu aad ula dhacay buuggan gaar ahaan cutubyo kamid ah qoraalka uu ka koobanyahay, wuxuuna sheegay inuu yahay buug yimid waqtigiisa.

Mid kamid ah qorayaashii joogay kulanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada Axmed Kismaayo qaaday, wuxuuna sheegeen inay tahay tusaale wanaagsan iyo waa u dillaacay bahda warbaahinta.

Xildhibaan Siciid Samatar Surcad, oo ka hadlay doorka saxaafadda ay kuleedahay bulshada, ayaa usoo jeediyay Wariyaasha inay ku dhaqmaan buuggan si ay u noqdaan kuwo ka dhowrsoon qaladaad.

Ma aha Buuggii ugu horeeyay ee uu qalinka u qaato Axmed Maxamed Cali oo bahda saxaafadda kusoo jiray muddo dheer dhawaana ka tanaasulay Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM