Cabdi Yare oo shaaciyey "amaro boob doorasho" uu Deni bixiyey

Image
Taliyihii hore ee ciidanka booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen [Cabdi Yarre] ayaa waraysi gaar ah siiyay Garowe Online.

GAROWE, Puntland - Taliyihii hore ee ciidanka booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen [Cabdi Yarre] oo waraysi gaar ah siiyay Garowe Online ayaa kaga hadlay doorashadii hordhaca ahayd ee sadexdda degmo.

Cabdi Yarre ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu isku dayay in uu ku cadaadiyo saraakiisha ammaanka meelmarinta doonistiisa gaarka ah.

"Dad ka badan lix boqol oo qof oo ciidanka madaxtooyadu galbinayaan ayaa la keenay xilli ay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinku noo sheegeen in codbixintu ay xirantay oo dadka safka ku jira markaas ma ahane aan cid kale gadaal looga soo darin," ayuu yiri.

Deni oo ururkiisa KAAH looga guuleystay doorashadii sadexda degmo ayaa xiligaas bixiyey amaro uu ku doonayay in saraakiisha amniga iyo guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ay badalaan natiijadda.

Sida laga soo xigtey Cabdi Yare, labo seejo oo ku yaala magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar waxaa u dhacay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Madaxtooyadda intii ay socotay doorashadii sadexda degmo.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaartey in cutubyo boolis dheeraad ah lagu daabulo aaggaas isla markaana lagu amro ciidamadda madaxtooyadda in ay meesha isaga baxdo.

"Ciidamadii Madaxtooyadda ayaa u dhacay laba seejo oo boob ka sameeyay, waxaan u sheegnay in ay meesha isaga baxaan, madaxweynaha wuxuu isoo wacay isaga oo leh 'hala sii daayo ciidankaas' laakiin waxaan u sheegay 'ciidanka madaxtooyadu waa ilaaladaada gaarka ah ee ma ahan booliskii ka masuulka ah amniga seejooyinka," ayuu xusay.

Dhacdooyinkan ayaa tusaale wanaagsan ka bixinaya nooca dimuqraadiyada Puntland la doonayo Saciid Deni kaasoo haatan hirgelinaya diiwaan-gelin doorasho juujuub ah oo aysan u dhameyn Ururadda Siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM