Cabdikariim Guuleed oo dhaliiley heshiiskii shalay lagu saxiixey Garowe

Image

May 3, 2015 (GO)- Maalin kaddib markii ay magaalada Garowe heshiis afar geesood ah ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo baxaya eedaymo loo jeedinayo heshiiskaas oo intooda badan ka imaanaya siyaasiyiinta gobollada dhexe.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, xilliganna ah murashax u taagan xilka madaxweynaha maamulka la doonayo in loo sameeyo gobollada dhexe, ayaa ka hor yimid  qaar kamid ah qodobada heshiiska.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC ayuu ku dhaliiley qodobka khuseeya gobolka Mudug ee qeexaya in waqooyiga Mudug ka tirsan tahay Putland koonfurtiisuna raaci doonto maamulka gobollada dhexe.

"shirka waxan ku dhaliilayaa qodobka khuseeya maamul u sameynta gobollada dhexe...waxan u arkaa inuu yahay qodob kasoo horjeeda dastuurka, caqabadna ku ah maamul u sameynta gobollada dhexe..." ayuu yiri.

Mar la weydiiyey sida ay isaga la tahay in xalku ku jiro, wuxuu ku jawaabey:

"xalka waxan u arkaa in dadka deggen waqooyiga gobolka Mudug iyaga rabitaankooda loo daayo, haddii iyagu rabaan inay kamid noqdaan maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galguduudna inaan la jujuubin"

Guuleed ayaa sidoo kale kasoo horjeestey guddiga cusub ee loo soo magacaabay inay maamulaan shirka Cadaado, isagoo sheegay in guddigani yahay mid aan lagu kalsoonaan karin maadaama ay soo dhiseen dad dano siyaasadeed oo gaar ah wata ayna kamid yihiin murashaxiin u taagan xilka madaxweynaha.

Dhanka kale, waxaa heshiiskii Garowe kasoo horejeestey Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isagoo ku tilmaamey in heshiiskaasi ahaa mid aan wax dan ahi ugu jirin bulshooyinka ku dhaqan gobollada dhexe.

Qodobka uu sida gaarka ah Qaybdiid uga soo hor jeestey ayaa ah in shirka aysan ka qayb geli karin ergooyin ka socda waqooyiga gobolka Mudug.

Heshiiskii shalay magaalada Garowe lagu gaarey oo ka koobnaa todoba qodob, waxaa ugu muhiimsanaa dhismaha ciidan qaran oo Puntland ku yeelan doonto 3000 oo askari iyo in maamulka gobollada dhexe loo sameynayaa ka koobnaan doono gobolka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM