Cabdiwali Gaas "Ma ahi Murashax 2016" [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xaaladda dalka Somalia iyo doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016 ayaa sheegay in dadka reer Puntland iyo kuwa Somaliyeed u baahanyihiin matalaad shacab iyo qof qaadi kara mas'uuliyadda dalka islamarkaana og in lala xisaabtami doono.

Gaas oo waraysi khaas ah siiyay HCTV, ayaa ka digay in madaxda hadda joogta sameeyaan muddo kororsi isagoo ku macneeyay ajande siyaasadeed maadama sida uu hadalka u dhigay waqtiga ay haystaan lagu dhammaystiri karo ajandayaasha horyaalla dowladda, wuxuuna shacabka Somaliyeed ku sifeeyay dad bisil oo aan caqabad ku noqon karin soo xulista mudanayaasha labada Aqal.

Mar wax laga weydiiyay madaxweyne Gaas hankiisa siyaasadeed iyo inuu yahay murashax u taagan madaxtinimada dalka Somaliya sannadka 2016 ayaa yiri, "Anigu 2016 murashax maahi horayna waan u sheegay haddana waan sheegayaa, dadka Puntland baa i doortay waqti bayna  i doorteen waqtigaas ayaan ballan qaaday inaan la joogayo, Puntland ka shaqaynayo waana joogayaa".

Wuxuu sidoo kale ka gaabsaday inuu loollanka siyaasadeed ku jiro sannadka 2020 isagoo jawaabtiisa kusoo koobay in waqti badan wali ka harsantahay islamarkaana uu sugayo waaga la gaaro.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar wax laga weydiiyay doorka beesha caalamka ee hogaaminta dalka Somaliya, wuxuu tilmaamay in hantaasi wax ka jiraan, balse aysan gaarsiisnayn halka loo malaynayo isagoo xusay in dadka Somaliyeed iyago mas'uul ka yihiin in muddo ka badan 25 sano waddanku dhibaatooyin siyaasadeed ku jiro.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli intabada bulshada odorasa Siyaasadda ay sheegaan in madaxweyne Gaas kamidyahay ragga u hanqal taagaya hogaaminta Somalia islamarkaana kaalin ku leeyahay dib u dhaca doorashada ee ay wadaan madaxda dowladda Federalka ee Muqdishu ku sugan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM