Cali Xaaji oo raali galin ka bixiyay qayb kamid ah waraysi laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Cali Xaaji Warsame oo wasiir ka soo noqday Puntland ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu dhawaan ku sheegay Waraysi uu siiyay Deparani, kaasoo uu kaga hadlay xaaladda Puntland dhaliilna ugu soo jeediyay Madaxweyne Gaas.

Qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku beeniyay hadalkii hore oo u dhacayay in hadii 2014 la dooran lahaa Madaxweyne Farole in Puntland gali lahay qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni.

“Puntland inuu isbadal ka dhaco aad bay u fiicnayd, hadii Madaxweyne Farole soo noqon lahaa dhib weyn baa ka dhici lahaa.” Xaaji ayaa sidaas ku sheegay waraysi laga qaaday oo la baahiyay 12 July 2018.

Xaaji ayaa hadalkiisa dambe oo uu cinwaan uga dhigay Cadayn iyo Cudurdaarasho, wuxuu ku tilmaamay in Madaxweynihii hore xaq u lahaa guusha tartankii waqtigaas dhacay islamarkaana ay aqbali lahaayeen, hadalkii ka tagayna uu ahaa mid aan sax ahayn.

“Waxaan caddeynayaa in aysan arrintaasi sax aheyn, Madaxweyne Faroole uu xaq u lahaa in uu tartamo, uuna aad ugu dhowaadey in uu doorashada ku guuleysto, haddii uu ku guuleysan lahaana uu xaq buuxa u lahaan lahaa in uu noqdo Madaxweynaha Puntland oo sharciga ah, intayadii musharixiinta aheydna ay xaq nagu aheyd in aan u hogaansano natiijada doorashada, taasina waa dhaqan-siyasadeedka Puntland oo ah in qofkii doorashada ku guuleysta loogu hanbalyeeyo.” Sidaas waxaa qoraalkiisa Facebook ku sheegay Cali Xaaji Warsame.

Cudurdaarka Cali Xaaji ayaa yimid kadib markii uu eedaymo badan kala kulmay dadweyne kala duwan oo ka falceliyay warasigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM