Cali Xaaji "Qofku dambi malaha ilaa lagu cadeeyo" [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, ayaa ka hadlay xariga sharci darada ah ee lagula kacay Wariye Jaamac Yusuf Jamac Deperani oo ka hawlgala telefishinka Somalichannel qaybta Garowe.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay in nidaamka wax lagu xiray uu ka soo horjeedo dastuurka dalka u yaala, gaar ahaan qodobadiisa 14-aad iyo 22-aad ee xuquuqda hadalka.

Waxa uu tilmaamay hadii qofku khalad galo in lagu soo xiro waaran maxkamadeed ee aan la samayn sida maanta dhacday, taasina horseed ka noqon karto hoos u dhac ku yimaada sumcadda Puntland.

Xaaji, ayaa sidoo khatar ku tilmaamay in awoodda dowladda ku milanto laamaha garsoorka iyo amniga oo loo adeegsado waxyaabaha sharci darada ah.Wuxuu tilmaamay inaan waqtiga looga fadhin xukuumadda Gaas xariga loo gaysto wariye, balse sugayeen in loo gudbo habka asxaabta badan oo madaxweynuhu doorashada ku galay inuu hirgalinayo, waxayna taasi u muuqataa hal bacaad lagu lisay, maadama dalka faraha la sii galayo arrimo dastuurka ka soo horjeeda.

Dadka odorosa siyaasadda, ayaa qaba in Xukuumadda Madaxweyne Cabdiwali Gaas ku fashilantay hogaaminta dalka oo isaga ka hor marayay heerkii ugu sareeyay ee dowladda Puntland gaarto muddo 17 sano ah, waxaana arrintaasi kalifay musuqmaasuq iyo dadka madaxweynuhu xilka u dhiibtay oo aan lahayn aqoon iyo khibrad ku aadan hogaaminta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM