Cali Xaaji Warsame oo xil ka qaadista lagu sameeyey soo dhoweeyey

Image

GAROWE 17 June, 2015 (GO)- Wasiirkii hore waxbarshada ee Puntland ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey kadib markii madaxweynaha Puntland habeenkii xaley isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirda.

Cali Xaaji oo ku sugnaa wadanka Ingriiska magaaladiisa London ayaa marka xil ka qaadista lagu sameeynayey ku sugnaa goob uu kula hadlayey jaaliyada wadanka Ingriiska..

Warsame oo kamid ahaa tartamayashii xilka uga sareeya Puntland Jan, 2014 ayaa la rumeysan yahay in codadkiisa uu ka heley xildhibaanada Barlamanka ku wareejiyey madaxweyne iminka talada haya Cabdiweli Cali Gaas.

Wasiirkii hore ee waxbarashada hore ayaa galey kaalinta sadexaad ee doorashadii ka dhacdey Puntland sanadkii 2014.

Xigasho Halgan net- HALKAAN KA DHAGEYSO

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM