Camay iyo Madaxda UNOCHA oo Garowe ku kulmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 24, May, 2017, xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo mas’uulka hay’addaas u qaabilsan Puntland Francis Lenoh.

Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa kawada hadlay xiriirka wada-shaqayneed ee ka dhaxeeya labada dhinac, waxayna sidoo kale isla soo qaateen kaalintii hay’addu ku lahayd gurmadkii abaarihii ka dhacay Somalia.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa ku ammaanay hay’adda UNOCHA doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatay gurmadka loo fidinaayey dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay.

Dhinnaca kale kusimaha Madaxweynaha ayaa ku booriyey masuuliyiinta hay’adda UNOCHA inay sii dardar geliyaan shaqooyinka ay hayaan, isagoo xusay inay iminka taagan tahay samata bixinta dad badan oo ay wax yeelo u gaysteen roobabka lixaadka lahaa ee ka da’ay degaanada Puntland kuwaas oo u baahan Hu’, Xoolayn iyo gargaar bini Aadantinimo.

Mr. Justin Brady madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay tageerida iyo gacan qabashada dadka dhibaataysan ee reer Puntland, isagoona xaqiijiyey inay markasta diyaar u yihiin ka qayb qaadashada xaalad kasta oo taagan.

Maaha markii ugu horaysay mas’uuliyiinta katirsan hay’addan ay kulan la qaataan madaxda dowladda Puntland, balse socdaalkan ayaa yimid xilli dhawaan dowladdu shaacisay inay soo celinayso dadka u hayaamay Bariga Fog ee u baahan in lagu celiyo deegaanadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM