Camay oo Daah furay Ololaha Daweynta Xoolaha Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa manta 24, May, 2017 ka qayb galay xaflad lagu daah furyay qorshe lagu daweynayo xoolaha Puntland.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas, waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Cabdijamaal oo ka hadlayay qorshahan ayaa sheegay in wasaaraddu wado barnaamij lagu tallaalayo xoolaha Puntland, kaasoo ay ka taageerayso hay’adda FOA.

Wuxuu sheegay in Daweynta ay ka qayb qaadanayaa arday dhawaan ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Africa.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo kahadlay muhiimada ay leedahay daawaynta iyo sugida caafimaadka xoolaha Puntland ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin shaqaalaha loo xilsaarayn daawaynta duunyada 43 koxood iyo 175 dhakhaatiir kuwaas oo dhammaantood ka hawl gelaya gobolada Puntland, waxaana uu wasaarada xanaanada xoolaha Dawladda Puntland iyo hay’adda FAO oo iyadu leh maalgelinta mashruucani ku amaanay dadaalka ay wadaan.

Camay, ayaa xusay in uu wakhtigan yahay xilligii ugu muhiim sanaa ee loo baahnaa daawanta iyo la tacaalida caafimaadka xoolaha madaama ay abaar ka soo kabanayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaraddaas shaqada dib ugu laabtay kadib markii Madaxweyne Gaas shaqo joojin ku sameeyay, taasoo timid markii lagu eedeeyay musuq maasuq la xariira Mashruuca lagu tallaalayo xoolaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM