Camey: Dagaalka Qorilay dan gaara ayaa laga leeyahay [Dhageyso]

Image

24 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka hadlay colaadda ka socoto qaybo ka mid ah gobolka Sool oo u dhaxaysa laba beelood.

Camey ayaa dagaalka dhacay ku tilmaamay nasiib daro, isagoo meesha ka saaray in xukuumadda Puntland ka gaabisay, balse uu tilmaamay in loo ballansanaa dhawaan in laga shiro.

Qadar ALLE ayuu ku tilmaamay isagoo tacsi u diray dhammaan intii ku waxyeeloowday colaadda, waxana arrintan ku tilmaamay mid ku cusub deegaanada Puntland, maadaama aysan horay u dhicin in magaalo lagu dhex dagaalamo.

Xubno ka shaqayn doona nabadaynta labada dhinac ayuu sheegay inay haatan diyaarinayaan sidii deegaankaasi u tagi lahaayeen, iyadoo laga fogaanayo khasaaro mar kale dhaca.

Xubno aan joogin Somalia ayuu tilmaamay inay ka shaqaynayaa hurinta dagaalka labada bilood.

Hadalka Camey ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo colaad xooggan uu dhaxeeya laba beelood kaasi oo sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM