Camey: Dagaalka Qorilay dan gaara ayaa laga leeyahay [Dhageyso]

Image

24 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka hadlay colaadda ka socoto qaybo ka mid ah gobolka Sool oo u dhaxaysa laba beelood.

Camey ayaa dagaalka dhacay ku tilmaamay nasiib daro, isagoo meesha ka saaray in xukuumadda Puntland ka gaabisay, balse uu tilmaamay in loo ballansanaa dhawaan in laga shiro.

Qadar ALLE ayuu ku tilmaamay isagoo tacsi u diray dhammaan intii ku waxyeeloowday colaadda, waxana arrintan ku tilmaamay mid ku cusub deegaanada Puntland, maadaama aysan horay u dhicin in magaalo lagu dhex dagaalamo.

Xubno ka shaqayn doona nabadaynta labada dhinac ayuu sheegay inay haatan diyaarinayaan sidii deegaankaasi u tagi lahaayeen, iyadoo laga fogaanayo khasaaro mar kale dhaca.

Xubno aan joogin Somalia ayuu tilmaamay inay ka shaqaynayaa hurinta dagaalka labada bilood.

Hadalka Camey ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo colaad xooggan uu dhaxeeya laba beelood kaasi oo sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM