Camey oo la kulmey sideed wasaaradood oo ka tirsan Puntland

Image

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa aqalka madaxtooyada ee Garoowe kullan ku saabsan derder-gelinta mashruuca horumarinta degmooyinka Puntand ee JPLG kula qaatay sideed wasaaradood.

Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay waxqabadkii saddexdii bilood ee la soo dhaafay  ( May , June , July ) , derdergelinta dhsitaanka golaha deegaanka degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Burtinle , Galdogob iyo degmooyinka kale ee harsan.

Xubnihii ka socday sideeda wasaaradood ee ka qeyb-galay shirka ayaa waxaa ay madasha ku soo bandhigeen waxqabadka saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshayaasha horumarineed ee hada ay kawadaan Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ku booriyey dhammaan madaxdii ka qeyb-gashay kullanka inay laban laabaan shaqada u taala , si sanadka dambe loo gaaro horumar balaaran oo la taaban karo.

Muhiimadda kullankaan aya ahaa sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo si hamsami leh uga soconaya guud ahaan Puntland , loona derder-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Xukuumada Puntland ayaa lagu eedeeyey iney kala dirtey golayaasha degaanka Garowe, Bosaso iyo Burtinle kuwasoo mudadii doorashadooda wax-yar ka dhiman tahay halka kuwa kale oo ay dhistey shaqeyn kari waayeen sida degmada Galdogob.

Dib u dhac ku yimid dhismaha golyaashaan ayaa hakad galiyey mashaariic laga qaban lahaa degmooyinkaan sida kan JPLG.
 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM