Camey oo tacsi u direy ehelada dadkii ku dhintey Xaramka [Dhagayso]

Image

12 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa tacsi u direy dadkii waxyeelladu ka soo gaartey shilkii ka dhacay masaajidka Xaramka Maka ee dalka Sacuudiga.

Camey waxaa uu sheegay inuu tacsi u dirayo dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay shilkii shalay ka dhacay maasdijka Xaramka, ka dib markii uu soo dumey mid ka mida wishash lagu dhisayay maasaajidka, waxuuna u rajeeyay marxuumiinta in ALLE Xajkooda uga dhigo maqbuuulo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka qayb galay xaflad lagu caleemo saarayay maamulka degmada Garowe oo Caasumadda Puntland ka dhacday.

Ugu yaraan 107 qof ayaa ka dib markii shalay galab uu soo dumay wiish lagu dhisay xaramka xilli kumaanaan muslimiin ah ku jireen masaajidka gudihiisa ee magalada Maka dalka Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM